Al Qacida oo siideysay nin ay afduub u heysteen muddo 6 sano ah

67

Kooxda Al Qacida ee dalka Mali ayaa siideysay nin u dhashay dalka Koonfur Afrika oo ay qafaasheen sanadkii 2011.

Ninkan oo lagu magacaabo Stephen McGowan ayaa ahaa dalxiise booqanayey magaalada Taariikhiga ah ee Timbuktu.

Kooxda la baxday Nusrat al-Islam wal Muslimeen oo ah Al Qacidada dalka Mali ayaa horey u codsaday in lasiiyo lacag madax-furasho ah.

Dowlada Koonfur Afrika ayaa sheegtay inaysan bixin wax lacag ah, sida ay sheegtay wasiirada arrimaha dibada ee dalkaasi Ms. Maite Nkoana-Mashabane.

Maleeshiyaadka ku sugan Waqooyiga dalka Mali ayaa afduub weli ku heysta shan qof oo Ajaanib ah oo u kala dhashay dalalka Maraykanka, Talyaaniga, Australia, Romania iyo Colombia. Dadkaasi oo laga soo afduubtay goobo kala duwan sida dalalka jaarka la ah Mali ee Burkina Faso iyo Niger.

Awooda Al Qacidada Maqrib ayaa wiiqday sanadihii lasoo dhaafay, kadib dagaalo ay la galeen ciidamada dalalka gobalkaasi oo sameystay isbaheysi militari oo lagula dagaalamayo kooxaha xagjirka ah.

Wadamada Mali, Mauritania, Niger, Burkina Faso iyo Chad ayaa hada sameystay ciidamo isku dhaf ah oo gaaraya 5000 kuwaasi qaabilsan oo kaliya la dagaalanka kooxahan oo weli weeraro kadis ah iyo afduub kawada dhulkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Shirkii Gollaha Wasiiradda Federaalka oo Lagu Magacaabay Hanti-dhowr Guud ee Qaranka
Shirka khamiislaha ee Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada ...