Faahfaahinta Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho

37

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka so baxaysa qarax xoogan oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah isugu jira , kaaso oo  ka dhacay  Agagaarka Trepiano ee wadada Maka Al-mukarama ee Magaaladda Muqdiso.

Qaraxani oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyaya ayaa wararku sheegayaan in saddex oo shacab ah ay ku dhinteen, halka lix qof oo kale uu dhaawacyo ka soo gaaray, kuwaasi oo loo qaaday cusbitaaladda Caasimadda

Baashi Cali Xaashi oo kamid ah wariyaasha warbaahinta Dowladda federaalka  ayaa sheegey in uu arkayay dhimashada Hooyo iyo dhaawaca 4 carruur ah oo  ay dhashay kuwaas oo la socday gaari Bajaaj ah oo  Meesha qaraxu ka dhacay Mareyayay xiligaas.

Afhayeenka Wasaaradda amniga Dowladda federaalka ayaa  sheegey in gaariga qarxay  uu noociisu ahaa Kaarib, waxaana uu  xaqiijiyay in dadkii ku waxyeeloobay ay kamid ahayd hooyo wadatay carruur yer kuwaasi oo iyana halkasi ku dhaawacmay.

saraakiil iyo mas’uuliyiin katirsan Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada xasilinta caasimadda ayaa gaaray goobta uu qaraxu uu ka dhacay

Inkastoo ay dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay hoos u dhaceen qaraxyada Muqdisho ka dhacay, haddan Toddobaadkii hore, maalintii Axadii Qarax aad u weyn ayaa ka dhacay  wadadda Maka Al-mukaramah ee magaalada Muqdisho. Ugu yaraan 6 qof ayaa ku geeriyoodey dad intaas ka badana waa ku dhaawacmeen.

Horseed Media 2017

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Al Qacida oo siideysay nin ay afduub u heysteen muddo 6 sano ah
Kooxda Al Qacida ee dalka Mali ayaa siideysay nin u dhashay dalka Koonfur Afrika oo ...