Guddoomiyihii Galguduud iyo walaalkiis oo Muqdisho lagu dilay

42

Maxamed Cali Cilmi oo ku magacaabnaa guddoomiyaha gobolka Galguduud ayaa fiidnimadii hore ee Jimacada lagu diley magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha waxaaa lala diley walaalkiis oo la socdey marka la dilaayey.
Dilka ayaa ka dhacay Degmada Yaaqshiid, waxaana dilka geystey labo ilaa saddex nin oo daba socdey xili ay booqasho qaraabo ku jireen.

Warbaahinta al_Shabaab ayaa sheegtey war ay ka heleen saraakiishoodu in ay xaqiijinayaan in ay iyagu masuul ka yihiin dilka Guddoomiyaha iyo walaalkiis.

Maxamed Cali Cilmi ayaa muddooyinkii danbe ku sugnaa Muqdisho, waxaana Gobolka uu ku magacaaban yahay u kala qaybsan yahay Ahlu-sunnah, Shabaab iyo Galmudug. Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Guuleed ayaa bishii Janaayo 2017 u magacaabey Guddoomiye Maxamed Daahir Cali Cilmi.

Isla caawa ayaa lagu diley nin nabadoon ah Muqdisho. Nabadoonka ayaa lagu magacaabaa Geedi Firdhiye, waxaana la diley xili uu ka soo abxay salaadii cishe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Faahfaahinta Qarax Xoogan oo Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka so baxaysa qarax xoogan oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ...