Muqdisho iyo Baydhabo oo kala go’an kadib qabsashadii al-Shabaab ee Leego

77

Ciidamada AMISOM ee ku sugnaa magaalada Leego ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa halkaas isaga guuray maanta oo Jimce ah. Wax yar kadib markii ay halkaas ka baxeen waxaa magaalada qabsadey malayshiyaad ka tirsan al-Shabaab oo markii hore banaanka ku sugaayey bixitaanka AMISOM.

Leego ayaa 120km u jirta Muqdisho waxaana ay dhacdaa wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho.

Ma cadda sababta ciidamada Uganda ee AMISOM uga baxeen Leego. Wararka qaar ayaa sheegaya in ay beddalayaan ciidamo kale ee ka socda dalka Itoobiya, waxaana la is weydiinayaa haddii warkaasi run yahay waxay u sugi waayeen soo gelitaankooda.

Masuuliyiinta dowladda iyo ciidamada ayaan isaga gudbi karin waddada u dhaxaysa Muqdisho iyo Baydhabo, maadaama al-Shabaab fadhiyaan Leego.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Guddoomiyihii Galguduud iyo walaalkiis oo Muqdisho lagu dilay
Maxamed Cali Cilmi oo ku magacaabnaa guddoomiyaha gobolka Galguduud ayaa fiidnimadii hore ee Jimacada lagu ...