Arsenal Oo Diyaar U Ah Iney Dalab 50 Malyan Oo Pound Ah Ka Gudbiso Thomas Lemar

45

Arsenal ayaa talaabadii ugu dambeysay u qaadeysa soo xerogalinta Thomas Lemar iyadoo isku diyaarineysa iney ka gudbiso dalab dhan 50 Malyan oo Pound sida uu warinayo wargeyska Mirror ee ingiriiska kasoo baxa.

21-jirkaan heerka caalami muddo badan ayuu bartilmaameed u yahay kooxda Gunners iyadoo ay xusid mudan tahay in laga soo diiday laba dalab oo kala ah: 30 Malyan & 45 Malyan oo Pound, mar kale Wenger ayaana si weyn dalab kale uga gudbinaya.

Arsenal waxey ciriiri yar kala kulmeysaa Barcelona oo suuqa la wareegeysa lacagtii ay ka heshay iibka Neymar Jr, waxaana liiska ugu jira Thomas Lemar inkastoo uu yahay dooqa afaraad.

Sidoo kale wargeyska wuxuu intaas ku daray in kooxaha Liverpool & Manchester City ay kusoo biireen xiisaha xidigaan walow Monaco ay goor hore ka dhawaajisay ineysan wax dan ah ku qabin iibkiisa.

Si kastaba Gunners waxey diyaar u tahay iney ilaa dhamaadka u dagaalanto helitaanka xidigaan madama Wenger uu aaminsan yahay inuu tayo kusoo kordhin karo kooxdiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Xaqiiqadda Qorshaha CHelsea Ee Suuqa Kala Iibsiga Oo Daaha Laga Qaadey
Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa meesha ka saaray wararka xanta ah ee sheegaya inay Chelsea ...