Maxaad Kala Socotaa Sheekadda Xiisaha Badan Ee Aubameyang Iyo Ac Milan

86

Walaalka xiddiga weerarka kaga ciyaara kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka gaabsaday in walalkii uu ku biirayo kooxda AC Milan.

Willy Aubameyang, oo ah walaalka xiddiga weerarka kaga ciyaara kooxda Dortmund sidookalana ah ciyaaryahan kubadda cagta ciyaaara ayaa waxaa su’aalo bartiisa instegram ku weydiiyay mar uu live ku jiray taageerayaal ka mid ah AC Milan, iyagoona weydiiyay in walaalkii uu kusoo biiri karo Milan?

Laakiin waxa uu uga jawaabay” ma naqaan haddii uu isaga dib ugu laabanayo Milan, taasina ma ahan mid hadda anaga na quseysa inaan ka jawaabno”

“haddii uu jecelyahay inuu ku biiro AC Milan ”aniga kama jawaabi karo tan ”ayuu hadalkiisa kusoo koobay ciyaaryahankaaan daafaca ka ciyaara ee la dhashay xiddiga kooxda Borussia Dortmund Aubameyang.

Xiddiga xulka qaranka Gabon waxaa isku heysta saxiixiisa kooxaha waaweyn ee qaarada Yurub, laakiin wararkii ugu dambeeyay ayaaa sheegaya inuu ku laaban karo AC Milan oo isagoo dhalinyaro ah uu usoo ciyaaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Tartanka Cayaaraha fudud ee gobolka Mudug ..
  Tartanka cayaaraha fudud oo ah tartan ay ku baratamaan dhamaan dhlinta magaalada Gaalkacyo ayaa ...