Tababare Arsene Wenger Oo Faah-Faahiyay Sababta Ay Kulankaan Ku Seegeen Mustafi, Sanchez, Ozil & Aaron Ramsey.

89

Tababare Arsene Wenger ayaa shaxdiisa kulanka Community Shield ka saaray dhawr ciyaartoy oo muhiim ah inkastoo la sharaxay sababta dhamaantood looga saaray kulanka muhiimka ah ee ay la leeyahiin Chelsea.

Alexis Sanchez ayaan kusoo bilaaban kulanka inkastoo jamaahiirta kooxda ay cabsi badan soo wajahday madama ay arintaan u arkaan bilowga bixitaankiisa.

Dhanka kale Ozil ayaa isna seegay kulankaan balse tababare Arsene Wenger ayaa qiray xaaladda dhabta ah ee xidigahiisa kulankaan seegay.

“Wuu joogaa, balse aad ayey ugu dhaweyd, kaliya afar maalmood ayuu tababar sameeyay”

“Ozil dhibaato dhanka canqawga ah ayuu qabaa, Ramsey wuxuu u baahan yahay inuu ilaaliyo dhibatada uu ka qabo kubka”

 “Mesut Ozil iyo Aaron Ramsey halis lama gelin karo madaama ay jug soo gaartay bartamihii isbuuca, halka Alexis Sanchez iyo Shkodran Mustafi ay kaliya tababarka xilli dhow ku soo laabteen ka dib markii ay xagaagii ciyaareen Confederations Cup”

Laurent Koscielny – oo ciyaari karay kulanka ayaa isna laga saaray koooxda madaama uu ganaax ku maqnaanaya labada kulan ee ugu horeysa xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Maxaad Kala Socotaa Sheekadda Xiisaha Badan Ee Aubameyang Iyo Ac Milan
Walaalka xiddiga weerarka kaga ciyaara kooxda Borussia Dortmund Pierre-Emerick Aubameyang ayaa ka gaabsaday in walalkii ...