Xaqiiqadda Qorshaha CHelsea Ee Suuqa Kala Iibsiga Oo Daaha Laga Qaadey

48

Tababaraha Chelsea Antonio Conte ayaa meesha ka saaray wararka xanta ah ee sheegaya inay Chelsea lacag badan ku qarash gareyn doonto saxiixa hal ciyaaryahan oo weyn xagaagaan.

Chelsea ayaa lala xiriirinaayey inay lasoo wareegeyso midkood xiddigaha Gareth Bale iyo Kylian Mbappe xagaagaan. Los Blancos waxay Bale ku dooneysaa 90 milyan oo ginni, halka Monaco ay 160 milyan oo ginni duldhigtay madaxa Kylian Mbappe.

Laakiin tababare Conte ayaa meesha ka saaray inuu midkood labadaas xiddig lasoo saxiixan doono. Wuxuuna yiri: “Waxaan u maleynayaa inaan hadda la joogin waqtigii ku habboonaa ee ay Chelsea lacagtaas faraha badan ku qarash gareyn laheyd saxiixa hal ciyaaryahan sababtoo ah waxaan u baahanahay ciyaartooy badan.

“Haddiiba aan lacagtaas ku qarash gareyneyno suuqa kala iibsiga markaas waxaa muhiim inoo ah inaan kusoo iibsano ciyaartooy badan”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
XASAASI: Lacagtii Qatar Oo Arsenal Ku So Wajahan (Kadib Neymar Sanchez AYaa Loo SOo Dhigtey)
Maalqabeenka Caalamka ka yaabiyey ee dhawaan lasoo Wareegay Cayaaryahanka caalamka oo dhan ugu qaalisan ee ...