GAROWE: GOOBAHA GANACSI QAARKOOD OO XIRAN IYO GANACSATO LA XIR XIRAY

215

Waxaa saaka Xiran goobo badan oo ganacsi magaalada Garowe , suuqa Inji oo ah suuqu ugu weyn magaalada waxaa jooga ciidamada Booliiska , waxay dadka ku amrayaan inay qaataan lacagta shillin Soomaaliga ah oo maalmahan muran ka taagna.

Ciidamada ayaa xiraya qofkii diida inuu qaato lacagta shillin Soomaaliga ah, dadka shacabka ah ayaa u wacaya ciidamada qofkii ka diida Shillin Soomaaliga.

Dad badan ayaa la xiray kuwaas oo diiday inay qaataan lacagta shillin Soomaaliga ah, qanacsatada qaarkood ayaa ka cabanaya dowladda iyagoo sheegaya inaysan ka qaadanayn shillin Soomaaliga.

Taliyaha Saldhiga dhexe Garowe oo la hadlay Radio Garowe Dhame Maxamuud Muuse Bille (Farda fuul) ayaa sheegay inay wadaan howlgal ay kusoo qa qabanayaan cidii diida lacagta shillin Soomaaliga ah, islamarkaana dowlad iyo shacaba la qaadanayo lacagta.

Farda fuul ayaa tilmaamay in amarkaas uu shalay billaamay uuna soconayo, lacagtuna soconayso wuxuu ka dhawaajiyey in lagu qaadayo canshuurta dowladda.

Taliayaha Xabsi dhexe ayaa hadalkiisa ku daray in cidii diida lagu ganaaxayo 6 billood oo xariga ah iyo 20’000 ( labaatan Milayn ) oo shillin Soomaali ah.

 

Codka Nabadda 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Markab Dalxiis oo muddo 10 cisho nalalka u damiyay cabsi laga qabay weerar burcad badeed
Markab kuwa dalxiiska ah oo muddo 104 maalmood u socdaalayay Sydney iyo Dubai ayaa lagu ...