Golaha Wakiilada oo Ansixiyey Xeerka Hay’adda Xiriirka Jaaliyadaha Puntland

151

Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Puntland oo weli ku guda jira kalfadhigoodi 39aad ayaa ansixiyey xeerar kala duwan oo ay ka mid yihiin xeerka qaxootiga, xeerka caafimaadka iyo xeerka hay’adda xiriirka jaaliyadaha ee Puntland.

Xeerka Hay’adda Xiriirka Jaaliyadaha ee Puntland ayaa waxaa bishii hore ansixiyey Golaha Wasiirada ee Puntland, waxaana uu maalmihii u danbeysey horyaaley Baarlamaanka, taas oo maanta si rasmi ah loo ansixiyey.

Golaha Wakiilada ee Puntland ayaa kalfadhigii 38aad xanibey miisaaniyadda hay’adda xiriirka jaaliyadaha ee Puntland, sababo la xiriira xeerka hay’adda kaas oo maanta si rasmi ah loo ansixiyey.

Agaasimaha guud ee hay’adda Xiriirka Jaaliyadaha Puntland Cumar Shire oo warbaahinta la hadley kadib markii la asnixiyey xeerka hay’adda ayaa sheegay in ugu horeyn uu mahad u celinaayo Madaxweynaha Puntland ee markasta ku dedaala hagaajinta xiriirka Jaaliyadaha Puntland, iyo sidii ay jaaliyaddu kaalin mug leh uga qaadan lahayd horumarka dalka ka socda, sidoo kale wuxuu sheegay in uu si weyn u soo dhaweynaayo in Xildhibaanada golaha wakiiladu ay meel mariyeen xeerka hay’adda xiriirka Jaaliyadaha.

Hay’adda Xiriirka Jaaliyadaha Puntland ayaa ka shaqeysa isku xirka jaaliyadaha Puntland ee gudaha iyo dibadda.

 

Codka Nabadda 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
GAROWE: GOOBAHA GANACSI QAARKOOD OO XIRAN IYO GANACSATO LA XIR XIRAY
Waxaa saaka Xiran goobo badan oo ganacsi magaalada Garowe , suuqa Inji oo ah suuqu ...