Muhaajiriin Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ku geeriyoodey Badda Cas

157

Hay’adda socdaalka ee caalamiga ah IOM ayaa sheegtey in dooni sidey dad tahriib ah oo ka abadan 100 qof ay ku dejisey ka hor inta aysan gaarin xeebta Yemen todobaadkan, waxaana halkaas ka dhacdey geeri aad u foolxun.

Hay’adda ayaa sheegtey in dhacadan ay dhacdey mar aan fogeyn ayna heleen xabaasha qaar kamid ah dadkan oo si wadar ah loogu aasey meel aan ka fogeyn xeebta.

Qaar ka badbaadey doonida sida khasabka ah looga dejiyey ayaa sheegay in ay tiro ahaan ahaayeen 120 qof oo ka yimid Soomaaliya isugu jirey Soomaali iyo Itoobiyaan.

IOM ayaa sheegtey ilaa hadda inta la hubo geeridoodu ay tahay 50 qof.

Hay’adda IOM ayaa sheegtey in sanadkan oo keliya 55 000 kun oo qof u tahriibeen dalka dagaaladu ka socdaan ee Yamen si ay uga sii gudbaan dalka Suudaan kadibna Waqooyiga Afrika.

 

Codka Nabadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Weriyaasha Puntland oo banaanbax ka hordhigay Baarlamaanka Puntland
Suxufiyiinta ka hawlgala caasimadda Puntland ayaa banaanbax cabasho ah ka hordhigay baarlamaanka Puntland maanta oo ...