Weriyaasha Puntland oo banaanbax ka hordhigay Baarlamaanka Puntland

185

Suxufiyiinta ka hawlgala caasimadda Puntland ayaa banaanbax cabasho ah ka hordhigay baarlamaanka Puntland maanta oo Khamiis ah. Suxufiyiinta ayaa ka cabanaya xarigga loo goystey jaalahooda Cumar Siciid Maxamed oo maalintii afaraad u xiran madaxtooyada Garoowe.

Cumar ayaan la horgeyn wax maxkamad ah, laguma eedeyn denbiga loo haysto, waxaana lagu hayaa xabsi gaar ah oo magaciisa loogu yeero iihay, kaas oo lagu haysto dadka aan la dooneyn in maxkamad la horgeeyo.

Suxufiyiinta ayaa sheegay in ay sharci darro tahay in muwaadin la iska hayo iyada oo dastuurka Puntland uu dhigaayo in aan qofna la xiri karin 48 saac ka badan haddii aysan maxkamadi xukumin. Xiliga Suxufiyiintu ay banaanbaxa cabashada ah ka hordhigeen baarlamaanka waxaa ka socdey ansixinta golaha wasiirada ee Puntland ee ay kalsoonida kala noqdeen bishii Luuliyo.

Maamulka Cabdiweli Cali Gaas oo suxufiyiin badan sidaan oo kale xarig u geystey kuwaas oo aan la horgeyn maxkamad lana sii daayey kadib markii muddo dheer lagu takri faley xuquuqdooda.

Xariga Suxufi Cumar Dheere waxaa canbaareeyey ururada xuquuqda aadanaha iyo kuwa sida gaarka ah ugu dooda xuquuqda Suxufiyiinta ee heer caalami iyo kuwa guda Soomaaliya.

Codka Nabadda 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Hay’adda CPJ oo Puntland ugu baaqdey in ay sii daayaan suxufi Cumar Dheere
Hay’adda CPJ ee ilaalinta suxufiyiinta caalamka ayaa bayaan ka soo saartey xariga Suxufi Cumar Siciid ...