Madaxweynaha Galmudug Xaaf Oo Ugu Baaqay Madaxda Maamulada Shir Deg Deg Ah

178

Cadaado (C-Nabadda)-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka ah inay faragelin ku heyso maamul goboleedyada dalka ka jira, isagoo ku baaqay shir deg deg ah oo looga arrinsado arrintaan.

Isagoo ka hadlayay degmada Cadaado oo uu shalay dib ugu laabtay ayaa waxaa uu si gaar ah dowladda Federaalka ugu eedeeyay inay ka dambeysay isku day la doonayay in lagu hor-istaago diyaarad ka soo qaadi laheyd Hargeysa, halkaasoo muddo shan saacadood uu Transit ku ahaa.

“Waxaa wax aad looga xumaado ah in Hogaanka Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay faragelin qaawan ku sameynayaan Galmudug”ayuu yiri Madaxweynaha Galmudug.

Xaaf ayaa sheegay in halkii dowladda Federaalka ka sugayeen wada shaqeyn iyo iskaashi ay bilowday xasarad abuur ay doonayaan inay ku dumiyaan dowlad goboleedyada.

“Halkii ay dowlad goboleeyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ka sugayeen wada shaqeyn iyo iskaashi ayay dowladda Federaalka bilowday xasarad abuur, waxay baabi’iyeen Madashii qaran, haatana waxay doonayaan in maamulada dumiyaan, Hadaba Waxaan ugu baaqayaa in ay meel uga soo wada jeestaan faragelinta qaawan ee ay Dowladda Federaalka ku hayso Dowlad Goboleedyada. Waxaan kaloo soo jeedinayaa in ay shir degdeg ah oo arrinkaas looga arrinsanayo isugu yimaadaan”ayuu yiri.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay beesha Caalamka inay il gaar ah ku eegaan tallaabooyinka dowladda Federaalka wado, isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo joogsadaan xaalada ka dhex taagan maamul goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Dowladda Federaalka ayaa u sheegtay maamul goboleedyada in Xukuumadda Soomaaliya ay mas’uul ka tahay siyaasadda arrimaha dibadda, kaddib markii maamul goboleedyada qaar ay faraha la soo galeen howl aysan shaqo ku laheyn, isla markaana ka hor-yimid go’aankii dhex dhexaadnimada ee dowladdu ka qaadatay xiisada Khaliijka, iyadoo maamul goboleedyada ay soo  soo saareen go’aano ay ku taageerayaan Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Khilaafka Maamul Gobaleedyadda Iyo Dowladda Federaalka (Dhageyso)
Kismaayo (C-Nabadda)-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ...