Maamulka Galmudug Oo Beeniyay Waraaq Xasaasi Ah Oo Lagu Faafiyay Baraha Bulshada (Akhriso)

23

Cadaado (C-Nabadda)-Maamulka Galmudug ayaa beeniyay wararka sheegaya inay xiriirka u jartay dowladda Federaalka, kaddib qoraal la been abuuray oo lagu faafiyay braha bulshada, taasoo ay ka muuqatay sumadda Galmudug iyo saxiixa Madaxweyne Xaaf.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu sheegay inay been abuur tahay warqadaas, isla markaana aysan jirin warqad ka soo baxay Xafiiska Madaxweyne Xaaf oo ku aadan in xiriirka loo jaray dowladda.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in baaritaan lagu haayo dadka caadeystay inay waraaqaha been abuurka soo dhigaan baraha bulshada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Madaxweynihii Maamulka Galmudug Xaaf Oo Xilkii Laga Xayuubiyay Iyo Xaalada Cadaado Oo Kacsan
Cadaado (C-Nabadda)-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa Saacado ka hor ku dhawaaqay in ay ...