Madaxweyne Axmed Madoobe Oo Ka Hadlay Khilaafka Maamul Gobaleedyadda Iyo Dowladda Federaalka (Dhageyso)

140

Kismaayo (C-Nabadda)-Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada, kaasoo ka dhashay go’aankii dhex dhexaadniamda ee dowladdu ka qaadatay Xiisada Khaliijka, isagoo ku baaqay gogol uu magaalada Kismaayo ugu dhigayo Madaxda Maamul goboleedyada si looga tashto waxyaabaha jira.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay xiisada Khaliijka ayaa sheegay in dowladaha Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga ay kuligood yihiin walaalahood, isla markaana loo baahan yahay wixii aragti ah ee Xukuumadda ka qaadatay arrintaas kala tashato maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadii maamul goboleedyada kale ay ku doodayaan in aysan dhex dhexaadnimo aheyd aragtida xukuumadda iyo hadii ay dhinac martay  loo baahan yahay in is qancin, wada hadal iyo wada tashi laga yeesho.

Waxaa uu sheegay in dhismaha maamul goboleedyada laga soo maray dhib badan, isla markaana in wax la dumiyo ay aad u sahlan tahay, waxaa uu si gaar ah u soo hadal qaaday Galmudug oo uu xusay in dhismaheeda dhib fara badan laga maray.

Ugu dambeyn Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka ay isugu imaanayaan maamul goboleedyada ay uga wada tashanayaan doorka uu Dastuurka u gogol yahay midka ay dowladda Dhexe leedahay, kaddibna ay iyagoo wadajir ah hortagi doonaan Madaxda Qaranka, si ay u saxaan wixii khaladaad ee jira.

Dhageyso.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Gudoomiyaha Baarlamaanka Iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Oo Xabsi Guri La Geliyay (Dhageyso)
Cadaado (C-Nabadda)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa maanta sheegay in Xabsi guri ay ...