Madaxweynihii Maamulka Galmudug Xaaf Oo Xilkii Laga Xayuubiyay Iyo Xaalada Cadaado Oo Kacsan

21

Cadaado (C-Nabadda)-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa Saacado ka hor ku dhawaaqay in ay Xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” Ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug.

Xildhibaanada oo aan la hadlanay ayaa Xaqiijiyay in ay fariisteen 55 Xildhibaan oo ka tirsan Galmudug 52 ka mid ahna ay Haa u codeeyeen halka 2 ay ka aamustay 1 Xildhibana uu diiday.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada aanay wehlin Guddoonka Baarlamaanka, iyagoo sheegay inay iska dhex doorteen Guddoomiye, kaddibna ay xilka ka qaadeen kaas oo ay sheegeen in uu dhigayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Xaaladda magaalada Cadaado ayaa aad u qasan Caawa waxaana ka jiro jawi colaadeed oo ka dhax abuuran hay’adaha maamulkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Oo Taageeray Xil Ka Qaadista Xaaf (Akhriso)
Cadaado (C-Nabadda)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku taageerayo Xil ...