Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo shuruud ku xirey heshiiska Xaaf

15

Magaalada Cadaado waxaa weli ka socda wada hadal lagu qaboojinaayo xiisadda siyaasadeed ee maamulkaas ka taagan.

Wefdi Xildhibaano ah oo ka soo jeeda Galmudug ayaa maalintii shalay gaarey, waxaana ay u kala dabqaadeen labada dhinac ee Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne ku-xigeenbka Maxamed Xaashi Carab oo siku dhinac ah.

Wararku waxay sheegayaan in Axmed Ducaale Geele Xaaf uu oggolaadey in uu la galo wada hadal iyo heshiis dhinaca kale ee ay is hayaan ee ku doodaya in ay xilkiiba ka xayuubiyeen, laakiin Guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa shuruud hordhigey habeenkii xalaywefdiga waxaana kamid ahaa shuruudahaas.

  • In Xaaf uu aqoonsado oo tixgeliyo go’aamada Dowladda federaalka ee khuseeya arrimaha dibadda, difaaca
    In uu ka noqdo go’aankii uu ku taageeray xulafada Sucuudiga ugana horyimid Dowladda Federaalka
    In uu raaligelin ka bixiyo xabsi guriga la geliyey guddoomiyaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.
    In uu magaalada ka saaro ciidamo beeleedyada uu magaalada ka soo buuxiyey Xaaf
    In wada hadalka ay a ka qayb-galaan Wasiiro ka tisran Federaalka oo ka soo jeeda Galmudug iyo weliba Xildhibaano kale oo ay magacaabeen, oo Muqdisho lagu xanibay
    Wada hadalka ayaa lagu gaarey salaadii subax ee maanta oo Khamiis ah, waxaana mar kale dib loo balamey in maanta wax la isu soo dhaweeyo.

Iyada oo wada hadalku socdo ayaa Axmed Ducaale soo saarey amar ah in aan wax diyaarad ah ka imaan karin magaalada Muqdisho isaga oo ka hortagaya wefdi Wasiiro iyo Xildhibaano ah oo la aaminsan yahay in ay isku dhawyihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, wefdigaas ayaa baaqdey maanta, waxaana Xildhibaanada ku sugan Cadaado ay wadaan in diyaaradaha la fasaxo taas oo caqabad ku ah dadka shacabka ah.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay maalintii Salaasada in ay xilkii ka xayuubiyeen Axmed Ducaale Geele Xaaf, waxaana ay sheegteen in tirada xilka ka qaadey ay gaarayeen 52 Xildhibaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Raysalwasaare Kheyre maku imaan doona Puntland Safar ?
Warar soo gaarey warbaahinta ayaa sheegaya in dhawaan Raysalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ...