Madaxweyne Xaaf Oo Deegaanada Galmudug Ka Mamnuucay Diyaaradaha Muqdisho Ka Yimaada (Akhriso)

44

Cadaado C-Nabadda)-Maamulka Galmudug ayaa joojiyay dhamaan duulimaadyadii ka imaanayay magaalada Muqdisho, sababo ku aadan xiisada siyaasadeed ee ka jirta deegaanada maamulkaas.

War saxaafadeed uu soo saaray Madaxweyne Xaaf ayaa illaa amar dambe lagu joojiyay duulimaadyada ka imaanayay Muqdisho, marka laga reebo kuwa hey’adaha sama falka iyo diyaaradaha u socda AMISOM.

Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Galmudug, Wasaaradda Amniga Galmudug iyo Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay in la joojiyay duulimaadyada ka imaanaya Muqdisho.

Arrintan ayaa ka dambeysay, markii ay soo baxday in wafdi ka socda Xukuumadda Soomaaliya ay maanta oo Khamiis ku wajahan yihiin Cadaado, waxaana Madaxweynaha Galmudug uu ku tilmaamay in imaanshahooda uu ka dhalan karo dhibaato ka dhan ah Amniga, dhaqaalaha iyo siyaasada.

Halkaan Hoose Ka Akhriso Wareegtada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Wasiir Yuusuf Garaad Oo Sheegay In Maamul Gobaleedyadu Jabiyeen Dastuurka Dalka (Dhageyso)
Jeddah (C-Nabadda)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada u ...