Wasiir Yuusuf Garaad Oo Sheegay In Maamul Gobaleedyadu Jabiyeen Dastuurka Dalka (Dhageyso)

26

Jeddah (C-Nabadda)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad ayaa markii u horeysay ka hadlay xiisada u dhaxeysa dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada ee ka dhalatay khilaafka arrimaha Khaliijka.

Yuusuf Garaad ayaa si kulul uga hadlay tallaabooyinka ay qaadayaan dowlad goboleedyada, isagoo xusay in Xukuumadda Federaalka ay leedahay mas’uuliyadda arrimaha dibadda.

Waxaa uu sheegay in maamul goboleedyada aysan heysan sharciyad ay heshiis kula galaan dowlado shisheeye, waxaana uu ka dalbaday in howshaas ay uga dambeeyaan dowladda dhexe

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay in maamul goboleedyada inay ka qanciso wixii ay tabanayaan, isla markaana dhageysato sida uu hadalka u dhigay.

Yuusuf Garaad oo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha uu hoggaaminayo ee ku sugan Sacuudiga ayaa sheegay in marna aanay is bedel ku imaan mowqifkii dhex dhexaadnimo ee dowladda ka qaadatay Khaliijka, waxaana uu meesha ka saaray in arrintaas lagala hadlay dowladda.

Dhageyso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo shuruud ku xirey heshiiska Xaaf
Magaalada Cadaado waxaa weli ka socda wada hadal lagu qaboojinaayo xiisadda siyaasadeed ee maamulkaas ka ...