Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada Oo Khudbado Xasaasi Ah Ka Jeediyay Shirka Kismaayo (Dhageyso)

10

Kismaayo (C-Nabadda)-Shirka Wadatashiga ee u dhaxeeya Maamul goboleedyada ayaa Xalay ka furmay guriga Martida ee magaalada Kismaayo, iyadoo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ay furitaanka shirka ka jeediyeen khudbado.

 

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo shirka furay ayaa sheegay in shirka uusan aheyn mid ay isugu baheysanayaan dowladda Federaalka, isla markaana ujeedku yahay sidii wixii mugdi ah oo jira loo dhamayn lahaa, kadibna talo loo dhanyahay Dowlada dhexe loola tagi lahaaa.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in Madaxda maamul goboleedyada iyo dowlad dhexe ba looga baahan yahay inay u hoggaansamaan Dastuurka oo uu xusay inuu yahay kan xalka lagu gaarayo.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka Xaaf.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in loo baahan yahay in dalka iyo dadka loo turo, isla markaana laga shaqeeyo Midnimada.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka Waare.

Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan ayaa sheegay in maamul goboleedyada looga baahan yahay inay ka go’naato mowqif ay ku mideysan yihiin inay shirkan ka soo saaraan, waxaana uu meesha ka saaray in waxyaabo looga soo horjeedo laga soo saarayo.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka Shariif.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/wali Gaas ayaa sheegay in shirkan muhiimadiisu tahay in la sameeyo siyaasad ay ku mideysan yihiin madaxda dowlad goboleedyada, waxaana uu tilmaamay in ujeedku ay aanu aheyn inay abuuraan dhibaato iyo kala dambeyn la’aan, balse ay ku xoojinayaan dowlad wanaaga Soomaaliya.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso Codka Gaas.

Radio Codka Nabadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Sarkaal Ka Tirsan Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Oo Lagu Dhaawacay Muqdisho
Muqdisho (C-Nabadda)-Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa maanta lagu weeraray magaalada Muqdisho, ...