Sarkaal Ka Tirsan Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada Oo Lagu Dhaawacay Muqdisho

13

Muqdisho (C-Nabadda)-Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa maanta lagu weeraray magaalada Muqdisho, iyadoo weerarka uu dhaawac ka soo gaaray.

Wararka ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay Sarkaalkan oo lagu magacaabo C/llaahi Sheekh Cumar ku weerareen inta u dhaxeysa degmooyinka Dharkeenley iyo Wadajir.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in xilliga Sarkaalkan la weeraray uu gaari uu watay shidaal ku shubayay, iyadoo kooxdii weerarka geysatay ay baxsadeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sarkaalkan uu ahaa Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Wasaaradda Gaadiidka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobtii uu falka ka dhacay, lama oga hadii ay dad ku soo qabteen iyo in kale, inkastoo kooxdii weerarka geysatay ay baxsadeen.

Radio Codka Nabadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Jen. Cirfiid Iyo Saraakiil Uu Hogaaminayo Oo Gaaray Deegaanka Biriire
Biriire (C-Nabadda)-Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Jen. Maxamed Axmed Jicmaale (Cirfiid) iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa ...