Madaxweynaha Jubbaland Oo Sheegay In Ay Bilaabayaan Howl-galo Ka Dhan Ah Al-Shabaab (Sawirro)

232

Kismaayo (C-Nabadda)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Xerada Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee deegaanka Buulo-Guduud oo qiyaastii 30km dhinaca waqooyi ka xigta Magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha ayaa la hadlay Ciidamada oo u diyaar garoobaya hawlgalo Al-Shabaab lagaga saarayo Gobolka Jubbada Dhexe iyo qaybaha ay wali kaga dhuumalaysanayaan Jubbada Hoose.

“Al-Shabaab ma haystaan awood ay idinkaga hor imaan karaan waxa kaliya oo ala gudboon waa in aan weerarno oo god iyo geedba aan ka daba galno” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in gabo gabo uu marayo diyaarinta hawlgal weyn oo Jubbaland oo dhan ka bilaabanaya, sidaas darteedna uu wakhtigiisa ugu badan ku qaadan doono xeryaha Ciidamada iyo abaabulka hawlgalka lagu naafaynayo Argagixisada.

“ Ciidamada ayaan dhex joogi doona si aan idinla qaybsado wakhtiyada adag ee aad wadankiina u halgamaysaan anigoo huba in aad guulaysan doontaan“ ayuu yiri Madaxweynahu.

Ciidamada Darawiishta Jubbaland ayaa maalmahii lasoo dhaafay Hawlgalo ka sameeyeen qaybo ka mid ah deegaanada gosha halkaas oo ay ku burburiyeen saldhigyo Shabaab ku laheyd deeganadaas , Madaxweynahu wuxuu sheegay in taasi ay banaanka soo dhigtay sida aysan Al-Shabaab awood ugu lahayn in ay sii jirto.

Sawirro.

Radio Codka Nabadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya Oo Maanta Looga Hadlay Arrimo Xasaasi Ah (Akhriso)
Muqdisho (C-Nabadda)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu ...