Madaxweyne Farmaajo Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Allaha U Naxariistee Jen. Maxamed Abshir Hamaan

1148

Muqdisho (C-Nabadda)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Janaraal Maxamed Abshir Muuse oo xalay ku geeriyooday dalka Mareykanka.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan qaranka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Janaraal Maxamed Abshir Muuse.”

“Janaraalku waxa uu ahaa shakhsi karti, dhawrsanaan, daacadnimo iyo dal jacayl ku sifoobay. Waxaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka geystay dhismaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo muddo 10 sano ku dhaw uu hoggaaminayay. Waxaana Alle (S.W.T) uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, ehelkii iyo qoyskii uu ka baxayna sabar iyo iimaan haka siiyo. Aamiin”

Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Radio Codka Nabadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
WAREYSI:- Xildhibaan Dalxa Oo Si Qoto Dheer Uga Hadlay Sanad Kaddib Wax U Qabsoomay Madaxweyne Farmaajo.
Muqdisho (C-Nabadda)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayaa saanad ka hor maanta oo ...