Madaxweynihii Hore Ee Dalka Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Gen. Maxamed Abshir Hamaan

197

Muqdisho (C-Nabadda)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiekh Maxamuud ayaa  ka tacsiyadeeyay  geerida Taliyihii hore ee Ciidamada Booliiska Soomaaliya Gen. Maxamed Abshir Hamaan oo xalay ku geeriyooday dalka Maraykanka.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun. EEBBE ha u naxariisto Jeneral Maxamed Abshir Muuse oo ku geeriyooday dalka Mareeykanka, waxaan kaga taciyeeynayaa geerida Marxuumka, qoyskiisa, eheladiisa iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Ex madaxweyne Xasan.

Marxuum Jeneral Maxamed Abshir Muuse, ayaa soo noqday taliyahii ugu horreeyey ee ciidamada Boliiska Soomaaliyeed, wuxuuna ka soo qeyb qaatay xorreeyntii Ummadda Soomaaliyeeed sida uu sheegay Xasan Shiekh Maxamuud.

Geeridiisa Generalka ayaa sidoo kale waxaa ka tacsiyadeeyay madaxda dowladda hadda jirta oo ay ku jiraan kuwa maamul goboleedyada.

Radio Codka Nabadda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Madaxweynaha Jubbaland Oo Sheegay In Ay Bilaabayaan Howl-galo Ka Dhan Ah Al-Shabaab (Sawirro)
Kismaayo (C-Nabadda)-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqday Xerada Ciidamada Darawiishta Jubbaland ee deegaanka ...