Warbixin:- Heshiiska Cusub Ee Saami-qeybsiga Dekedda Berbera Oo Muran Xooggan Ka Dhashay.

569

Gaalkacyo (05-03-2018)-Iyadoo dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka Hor-timid Heshiiskii ay ku kala Saxiixdeen Magaalada Dubia Shirkadda DP World, Maamulka Somaliland Iyo Dowladda Itoobiya, ee Dhigayay Saami Qeyb-siga Dekedda Berbera, ayaa waxaa markii ugu horeysay ka hadlay Maamulka Shirkadda DP World.

Agaasimaha Guud ee Shirkadda DP World Suldaan Ahmed Bin Suleymaan, ayaa sheegay in hadalka dowladda Federaalka aanu quseyn, isla markaana ay tahay Somaliland dowlad madax banaan

Waxaa uu sheegay in xilka ka saaran mashruucan uu yahay sidii ay u ilaalin lahaayeen iyaga iyo kuwa ay saamiga wada lee yihiin ee Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

“Nama quseeyo waxa ay leedahay dowladda federaalka, somaliland waa dowlad madax banaan 28 sano, waa meel xasilooni oo dimoqraadiyad ka jirto, mashruuceena wuxuu helay ogolaanshaha baarlamanka somaliland, ma awoodi karto inay xukuumadda Federaalka wax bedesho ama hadalo ay jeediyaan oo aan u joojineyno, waxaa uu yahay xilka na saran in aan ilaalino kuwa Saamiga aan wadaagno ee Somaliland iyo Dowladda Itoobiya ”ayuu yiri Agaasimaha DP World oo la hadlayay warbaahinta Imaaraadka Carabta.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, oo Jimcihii Saxaafada kula hadlay Magaalada Muqdisho, xili uu ka soo laabta Imaaraadka Carabta ayaa Sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan Lug ku laheyn Heshiiskaasi, Isagoona ku tilmaamay mid sharci darro ah oo ka hor-imaanaya midnimada iyo Jiritaanka Qaranka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Somaliland C/raxmaan C/llaahi Faarax (Guri Barwaaqo), oo ka jawaabay hadalka Ra’iisul Wasaare Kheyre, yaa sheegay in Somaliland ay xaq u leedahay inay heshiis la gasho cidii ay doonto, isla markaana uu dhigayo dastuurkeeda, waxaa uu xusay in Soomaaliya ay ka go’een 1991.

Wasiir Guri-barwaaqo ayaa Sidoo kale Sheegay in Dowladdii uu Hogaaminayay Madaxweynihiin hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Iyo Maamulka Somaliland, ay horey Ugu Heshiiyeen in Dowladda Soomaaliya aysan Hor Istaagin Mashruucyada Hormarineed ee Somaliland ay la Gasho Shirkamadaha iyo Dowladaha Caalamka.

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, ayaa ka Hor-yimid Heshiiskaasi Saami-qeybsiga ah ee ay Xukuumadda Somaliland la gashay Shirkadda DP World iyo Dowladda Itoobiya, waxaana uu Sheegay in aysan Macquul aheyn in Somaliland ay saamiga Dekedda Berbera ku yeelato 30%, Iyadoona 70% kale ay qaadanayaan Shirkadda DP World iyo Dowladda Itoobiya.

Shirkadda DP World ayaa khamiistii la soo dhaafay heshiis saddex geesood oo ku saabsan saami qeybsiga Dekeda Berbera ku kala saxiixday magaalada Dubai, heshiiska saamiga ayaa dhigaya in Somaliland hesho 30%, halka Itoobiya ay heleyso 19%, Shirkadda DP World oo dhiseysa Dekeda Berbera ay heleyso 51%.

Si Kastaba ha ahaatee, Xiisada iyo Murankaan Cusub ee dib uga soo Cusboonaaday Heshiiska Dekedda Berbera ayaa ku Soo aadaya Xili 10-ka bishan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga 3-aad ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, lamana Oga Go,aanka ay ka qaadan Doonaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya Heshiiskaan.

Dhageyso Warbixin Uu Wariyaheena C/rashiid C/laahi Warsame Ka Diyaariyay Heshiiskaas.

Idaacadda Codka Nabadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug oo gaaray Cadaado
Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado, xilli uu khilaaf xooggan ...