Khayre oo wasiiradiisa uga digay inay galaan heshiisyo uusan ogeyn

22

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wasiiradiisa uga digay inay saxiixaan heshiisyo caalami ah, iyada oo aysan la socon xafiiska ra’iisul wasaaraha, garyaqaanka guud iyo golaha wasiirada Soomaaliya.

Shirkii golaha wasiirada ee shalay ayaa lagu soo bandhigay dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay heshiisyo ay galeen dawladihii hore, waxaana dood dheer kadib golohu isku raacay in qorshaha lagu saxiixayo heshiisyada caalamiga ah ay muhiim tahay in uu jiro iska warqab.

 Wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya C/laahi Xaamud ayaa sheegay ujeedada inay tahay si looga fogaado dhibaatooyin kale oo laga dhaxlo heshiisyo dawladdu gasho.

“Waxaa kaloo la istusiyay in wasaaraha ay ka digtoodaan inay saxiixaan heshiisyo caalami ah iyada oo aysan la socon garyaqaanka guud iyo golaha wasiirada oo ra’iisul wasaaraha uu ugu horeeyo, si aysan dhibaato u imaan”. Ayuu yiri wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Wasaaradaha qaar ayaa heshiisyo caalami ah la gali jiray hay’adaha dalka ka hawlgala, iyada oo aysan ogeyn madaxda dowladda federaalka, taasi oo marka dambe keeneysa dhibaato laga dhexlo heshiisyada la galay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
UN envoy briefs the Security Council on situation in Somalia
Briefing the Security Council for the last time in his capacity as UN Special Representative ...