Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Galmudug oo gaaray Cadaado

3

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado, xilli uu khilaaf xooggan ka dhex jiro Maamulka Galmudug oo sababay in xilka laga qaado Guddoomiyihii Baarlamaanka Cali Gacal Casir.

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa ka yimid dhanka Caabudwaaq oo uu maalmihii u dambeeyay ku sugnaa.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne kuxigeenka uu kulamo la leeyahay Mas’uuliyiinta deegaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa in degmada Cadaado uu gaaro Cali Gacal Casir Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug ee xilka laga qaaday.

Dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed ayaa laga dareemayaa degmada Cadaado, waxaa la sheegayaa in xildhibaano ka tirsan Galmudug oo taageersan Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday ay kulamo ku leeyihiin.

Khilaafka Siyaasadeed ee ka dhex taagan Madaxda Galmudug ayaa xoogeystay maalmihii la soo dhaafay, waxaana ay saldhigyo ka kala dhigteen Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku geeriyooday Shil ka dhacay duleedka Jowhar
Sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka ayaa shalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay ...