Al-Shabaab oo soo bandhigay Meydka askari iyo agabka ciidamadii weeraray Mubaarak

58

Al-Shabaab ayaa ku soo bandhigay fagaare ku yaal deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose Meydka askari ka tirsanaa ciidamadii gaarka ahaa ee labo cisho ka hor weeraray deegaankaas.

Fagaaraha ayaa lagu soo bandhigay Agabka uu watay askarigaas oo ka tirsanaa Ciidanka sida gaarka u tababarnaa ee loo yaqaano Gaashaan oo ka koobnaa qori casir ah oo nuuca doobiriinka ah iyo agabyo kale.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarka ay ku soo qaadeen Ciidamo Mareykan iyo kuwo Soomaali ah ay khasaare gaarsiiyeen, kana dileen illaa afar askari.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in intii ku guda jireen ciidamada howlgalka ka qeyb qaadanayay ay la kulmeen weerar, iyadoo markii dambe duqeyn cirka ah oo is difaacid ahaa ay sameeyeen Ciidamadii gaarka ahaa oo taageero ka helayay Ciidamo Mareykan ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
DOWLAD GOBOLEEDYADA OO DALBADAY DAMAANAD DHEXDHEXAADIN
Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war-murtiyeedkood ku sheegay in loo baahan yahay daraf sadexaad oo ...