Wararkii ugu dambeeyay kulamo iska soo horjeeda oo ka socda Cadaado iyo Dhuusamareeb

49

Iyadoo shalay magaalada Cadaado ay gaareen wafdi ay hoggaaminayaan Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug ee xilka laga qaaday ayaa waxaa magaalada ay gashay xaalado siyaasadeed.

Mas’uuliyiinta gaaray Cadaado ayaa kulamo la leh qeyb ka mid ah xildhibaanada Galmudug ee horay ugu sugnaa degmadaas iyo maamulka deegaanka, kaasoo looga arrinsanayo khilaafka xilligan hareeyay maamulka Galmudug.

Guddoomiyihii Baarlamaanka Galmudug ee xilka laga qaaday ayaa sheegay in xil ka qaadistaas ay tahay mid sharci darro ah oo aan loo marin wadadii saxda ahaa.

Xubnaha Maamulka Galmudug ee ay hoggaaminayaan Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyihii xilka laga qaaday ayaa qorsheynaya tallaabooyin ka dhan ah Madaxweyne Xaaf.

Dhinaca kale Xildhibaanada ku sugan Dhuusamareeb ayaa kulamo ka leh sidii loo dedejin lahaa doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxaana ay ku howlan yihiin magacaabida Guddiga doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Maamulka Galmudug oo tan iyo bishii September ee sanadkii hore hareeyay khilaaf siyaasadeed oo soo noq-noqday ayaa weli jahwareer iyo saldhigasho la’aan ku jira, iyadoo uu qarka u saaran yahay in labo dhinac u kala jabo.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Kooxo Hubeysan oo xalay Boosaaso ku dilay labo wiil dhalinyaro ah
Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso Gobolka Bari ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay ku ...