Diyaarad dagaal oo duqeeyay Iskuul iyo Isbitaal ku yaalla Saakow

39

Diyaarad dagaal ayaa la sheegay in duqeyn ka geystay Iskuul iyo Isbitaal ku yaalla degmada Saakow ee Gobolka Jubadda Dhexe oo ka mid ah deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab.

Ugu yaraan saddex carruur ah ayaa ku geeriyootay, halka kuwo kalana ay ku dhaawacmeen, kaddib markii gantaaladii ay tuurayeen diyaarada uu ku dhacay Xarun ama Kulleejo carruurta wax lagu baro.

Wararka ayaa intaa ku daraya in duqeynta ay burbur xooggan ka soo gaartay Isbitaalka magaalada Saakow.

Dadka deegaanka ayaa cabsi weyn la soo deristay duqeymihii xalay loo geystay degmada Saakow.

Lama oga dalka geystay duqeyntan, hase ahaatee inta badan duqeymaha diyaaradeed ee ka dhaca Soomaaliya waxaa fuliya Mareykanka iyo Kenya, balse weli cid sheegatay ma jirto duqeyntaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Request for Contractor for Construction of 3 Water Reservoirs for Allaale IDP Camp in Galdogob District
Request for Contractor for Construction of 3 Water Reservoirs for Allaale IDP Camp in Galdogob ...