Doorashada Koonfurgalbeed iyo iscasilaada wasiir Laftagareen

27

Cabdicasiis Xasan Laftagareen oo ahaa wasiirkii Tamarta iyo Biyaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa duhurnimadii maanta Baydhabo ka sheegay in uu iska casilay xilkii wasiirnimo ee uu ka hayay Xukuumada Ra’iisul wasaare Kheyre.

Cabdicasiis Laftagareen oo kamid ah saaxiibada dhow ee madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in ujeedka iscasilaadiisa ay tahay u tartamid doorashada madaxweyne ee maamulka Koonfur galbeed taas oo maalmo kadib ka dhacaysa Baydhabo

Waxa uu sheegay in wax wanaagsan uu ka filayo doorashada dhacaysa 17ka November,waxaana uu sheegay in maanta wixii ka dambeeya uu guda galayo ololihiisa rasmiga ah ee doorashada isla markaaana gudiga doorashada u gudbinayo araajida laga doonayo murashaxa u tartamaya hogaanka ugu sareeya Koonfur galbeed.

Laftagareen waa siyaasi aan muuqan balse sanadihii ugu dambeeyay waxa uu saameyn ku lahaa siyaasada Soomaaliya isagoo horey siyaasi u ahaa xilal kala duwanna soo qabtay waxa uu bishii February kasoo muuqday liiska gole wasiiro uu ku dhaqaawaqay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya isagoo noqday wasiir u dowlaha ganacsiga,balse hadii la eego xasuustii ugu dambeeyay dad badan waxa ay ku xasuustaan doorkii uu ka qaatay in uu iscasilo afhayeenkii hore ee Barlmaanka MS Jawaari iyo kadib riditaankii Jawaari oo lagu xasuusto doorashadii uu isku soo taagay afhayeenka G.S Barlamaanka.

Iscasilaada wasiir Laftagareen waxa ay muujinaysaa sida uu kalsooni buuxda ugu qabo ku guuleysiga kursiga looga aramiyo Koonfurgalbeed walow ay ku hor gudban yihiin caqabado ay kamid yihiin u janjeerid madaxda dowlada dhexe maadama uu ka tirsanaa xukuumada Nabad iyo Nolol iyo in siyaasiyiinta iyo dadka qaar oo kasoo jeeda KG ay u arkaan mid xambaarsan fikir siyaasadeed oo la doonayo in lagu hogaamiyo dadka iyo deegaanka uu ka taliyo maamulka K-galbeed.

Hardanka iyo culeysyada uga imaanaya musharax madaxweynaha iminka Shariif Xasan ayaa kamid ah jidgooyo dheer oo ay adag tahay in uu iska mooso marka loo fiiriyo rajada iyo kalsoonida uu muujinayo Shariif Xasan iyo taageerada saaxiibadiisa ee ay mideysay danta siyaasadeed (GIDG).

In ka badan tobon musharax oo uu kamid yahay dhamaantood waxa ay taageero dhinacyo badan ka helayaan afkaaro siyaasadeed oo isdiidan kuna loolamaya doorashada dhacaysa 11 maalmood kadib.

Ma ahan wax hada ku cusub in uu iscasilo Laftagareen mooshinkii iyo loolinkii siyaasadeed ee kursiga looga tuuray afhayeenkii hore ee barlamaanka kadib waxa uu iskacasilay xilkii wasiir dowle ee uu ka hayay dowlada N.N balse markan lama oran karo iscasilaadiisa waa guuldaro siyaasadeed oo markale u soo hoyato ex wasiir Laftagareen.

Maha kaliya in uu iska casilay jagadii wasiirnimo waxaa kale oo uu iska qaaday xasaanadii xildhibaanimo oo uu baneeyay mataaladii uu ku matalayay beeshiisa golaha shacabka taasina waa mid kamid ah ifafaalada iyo rajada laga saadaalin karo in uu hanto kursiga madaxweyne ee Koonfur galbeed

Baydhabo oo ah magaalada loo madlan yahay in ay ka qabsoomto doorashad madaxweyne ee maamulka Koonfur galbeed ayuu Laftagareen dhankiisa kawadaa olole doorasho oo lagu kasbanayo xildhibaanada iyo dadka ay ka go’do talada koonfur galbeed.waxaana uu kamid yahay isbahaysi musharixiin isbedel doon ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Maraykanka oo dhaqan gelinaya Cunaqabateynta IRAN
Maanta oo ku beegan 5ta bisha November ayey dowlada Maraykanka bilaabeysaa dhaqan-gelinta cunaqabateynta dhaqaale oo ...