MAP oo tababar u furtay weriyayaasha degmada Gaalkacayo { Sawiro }

28

Ururka Warbaahinta Puntland ee MAP ayaa maanta 05 November, 2018 tabbabar uga furey magaalada Galkacayo 20 suxufi oo ka hawgala xarumaha kala duwan ee warbaahinta gobolka Mudug.

Tabbabarka oo soconaya mudda saddex maalmood ayaa ku saabsan Badqabka saxafiga, habka tebinta doorashooyinka iyo ka warbixinta goobaha colaadahu ka jiraan.

Guddoomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane oo furay tababarka ayaa sheegay in kani u yahay bilow tabbabaro saxafiyiinta Puntland lagu baraarujinayo badqabkooda shakhsiyaseed iyadoona la bari doono habka loo tabiyo doorashooyinka loona sameeyo warbixinada la xiriira.

Mohamed Daahir Caynsane waxa uu ku booriyay saxafiyiinta ka qaybgaleysa tabbabarka inay hormuud ka noqdaan dardargelinta isdiiwaangelinta, isagoona amaanay sida warbaahinta Galkacayo uga shaqeyneyso wacyigelinta nabadgelyada.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Request for Construction of Eight Plywood Hall Center
Request for Construction of Eight Plywood Hall Center The SRCS Galkayo Branch is planning to ...