Muxuu daaran yahay safarka Isimada Puntland ee Laascaanood?

54

waftiga ayaa halkaasi u tegay sidii loo damin lahaa colaada u dhaxaysa labo beelood oo walaalo ah oo wada dega degaankaasi, waftiga ayaa halkaasi u tegay sidii loo damin lahaa colaada u dhaxaysa labo beelood oo walaalo ah oo wada dega degaankaasi.

Wafdiga ayaa waxaa  hoggaaminayay Boqor Burhaan Boqor Muuse manta ayaana lagu wadaa in ay u safraan deegaanka dhumey, Wasiiro iyo masuuliyiin Somaliland  u xilsaartay nabadaynta beelaha Degaanka dhumays  ayaa loo diiday in yimaadaan tuulada Dhumays, waxaana loo ogolaaday oo kaliya isimadii ka socday Maamulada Puntland iyo Jubbaland ee Soomaaliya kadib wadahadal qaatay muddo saacado ah.

 

Isimadda Nabadaynta u tegay Dhumays waxay kala yihiin

 

Boqor Burhaan Boqor Muuse

Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin

Beeldaaje Cali Faarax

Suldaan Cabdiqaadir Cumar Shabeel

Suldaan Maxamed Jaamac Buurtinle

Ugaas Maxamuud Ugaas Cabdilaahi Ciise

Suldaani Maxamed Suldaan Cabdilaahi Cartan

Suldaan Ciise Maxamed Ciise

Suldaan Abshir Axmed Jibriil

 

Wafdiga Isimadda Iyo Waxgaradka Jubaland

 

Ugaas Maxamuud Ugaas Qorane

Ugaas Maxamed Sahal Mayala

Nabadoon Xassan Sheekh Maxamed

Ugaas Xussieen Nuur Cismaan

Cabdiqani Sheekh Axmed

Qaasim Sheekh Maxamuud

Tuulada Dhumay ee gobolka ayaa ahayd goobtii dagaalkii ugu xumaa ee labada Beelood  uu ku dhexmaray, waxaana ku dhintay dad gaaraya 50 qof, waxaana ku dhaawacmay dad ka badan 100 qof, Dhinaca kale, Magaalada Jigjiga ee Dowlad degaanka Soomaalida waxaa ku sugan wafti kale oo isimo ah oo uu ka mid yahay Islaan Ciise Islaan Maxamed oo iyaguna ku howlanaa sidii nabad iyo heshiis looga gaari lahaa colaada ka dhex taagan labada beelood ee walaalaha ah ee gobolka Sool, Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa manta kasoo ambabaxay magaalada Hargaysa isagoo kusii jeeda gobolada bariga ee Somaliland tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Ciidamo Cusub oo loo diyaarinayo suggida Amniga Muqdisho.
Xasan Cali Kheyre raisal wasaaraha dawlada federaalka soomaaliya ayaa kormeer iyo booqasho ku tagay Dugsiga ...