Agaasimiha Guud ee Wasaaradda Cadaalada Soomaaliland oo is casilay Iyo Sababta kadanbaysa 

42

Waxaa Goordhow ku dhawaaqay in uu is casilay Agaasimihii Guud Wasaarada Cadaaladda Soomaaliland Xuseen Maxamed Maxamuud.Agaasimaha ayaa ka mid ahaa Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ee booqashooyinka ku maraya deegaanada Bari ee Soomaaliland.

Shir Jaraa’id uu Maanta ku qabtay Magalada Burco ayuu ku sheegay in uu iska casilay xilkii Agaasimiha Guud ee Wasaarada Cadaaladda Soomaaliland.Sababaha is casilaadiisa ayuu ku sheegay cadaalad daro uu ka tirsanayo Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,waxaana Maanta loo diiday inuu ka hadlo Xaflad Xariga looga jarayay Xabsi laga dhisay Magalada Burco.Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi weli kama hadlin is casilaada Agaasimihii Guud Wasaarada CadaaladdaSoomaaliland waliba ka mid ahaa Xubnaha ku wehliya Safarka uu ku kala bixinayo Gobolada Bari ee Soomaaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Baarlamaanka Galmudug oo Meelmariyey ansixinta golaha Wasiiradii uu soo Magacaabay Xaaf
Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee kulankoodu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta Ansixiyay 27 Wasiir oo dhawaan ...