Baarlamaanka Galmudug oo Meelmariyey ansixinta golaha Wasiiradii uu soo Magacaabay Xaaf

41

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee kulankoodu yahay magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta Ansixiyay 27 Wasiir oo dhawaan uu soo Magacaabay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

127 Xildhibaan ayaa Meelmariyey Ansixinta Wasiiradda cusub ee Garabka ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug sidda uu warbaahinta u sheegay Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmduug Xareed Cali Xareed.

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa horgeeyay Xildhibaanada Galmudug Wasiiradda uu soo Magacaabay Madaxweyne Xaaf.

Galmudug ayaa wali labo ukala qeybsan , waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada Galmudug ay ku sugan Magaalada Cadaado.

Galmudug ayaa horay dhowr jeer dowladda dhexe ku eedeysay in ay ku heyso faragalin oo ay kasoo horjeedo arrimaha maamulka Galmudug

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Golaha Shacabka Oo Soo Gabagabeeyay Wax Ka Bedelka Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka
  Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagabeeyay wax ka bedelka ...