Ciidamo ka tirsan jabhada ONLF oo Jigjiga lagu soo dhaweeyay

42

Boqollaal ka tirsan ciidammada jabhadda hubeysan ee ONLF ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Labo diyaaradood oo sidday ciidammadan oo ka soo kicitimay dalka Eritrea ayaa gaaray Jigjiga, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne, mas`uuliyiin iyo xubno jabhadda ka tirsan oo ku sugnaa Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ibraahim Maxamed Beddel oo ah madaxa ciidammada ONLF ee cutubka maanta gaaray Jigjiga ayaa sheegay in mas’uuliyiinta ururka ee ku sugan dalka Eritrea ay dabayaaqada bishan gaari doonaan Jigjiga sii loo ambaqaado dhaqan gelinta heshiiskii dhexmaray iyaga iyo dowladda Itoobiya.

Wuxuu sheegay in wada nolaanshaha shacabka iyo ka shaqeynta horumarka ay tahay arrin ay shacabka ku dhiiro gelinayaan isla markaasna lagu tallaabsan doono nabadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Jadwalka doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed oo lagu dhawaaqay
Guddiga doorashadda Madaxtinimadda maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay Jadwalka doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed, xilli ...