Duqeyn Culus Oo mar kale ka dhacday gobolka Mudug

41

Wararka Idacada Codka nabadda  Ay  ka heleyso degaanka Maamiyeoo u dhaxeeya Camaara iyo Caad ee degmada Xarardheere gobolka Mudug ayaa sheegaya in Markale xalay diyaarad dagaal ay halkaasi duqeyn geysatay.Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in markale diyaarad dagaal ay dhowr Madfac ay ku dhufatay saldhig ay leeyihiin Ururka Al-Shabaab oo ku yaalla degaankaasi.Waxaa duqeyntaasi ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jiro walloow weli aan la xaqiijin tirada rasmiga ah ee ku waxyeelowday.19 Bishaan ayay aheyd markii diyaarado dagaal ay duqeymo xooggan ay la beegsadeen degaanada xalay la duqeeyay, waxaana taliska Mareykanka uu sheegay in duqeyntaasi lagu dilay in ka badan 40 dagaallame.Dhawaanahaan waxaa soo kordhaayay duqeymaha diyaaradaha ay ka geystaan degaanada ay gacanta ku haayaan Shabaa oo dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay in duqeyn lagu burburiyay Idaacad afka shabaab ku hadli jirtey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Interpol oo dooratay Hogaamiye Cusub
Hay’adda Booliska Caalamiga ah ee Interpol ayaa hoggaamiyaha Hay’addaasi u dooratay Kim Jong Yang oo ...