Interpol oo dooratay Hogaamiye Cusub

47

Hay’adda Booliska Caalamiga ah ee Interpol ayaa hoggaamiyaha Hay’addaasi u dooratay Kim Jong Yang oo kasoo jeedda Kuuriyadda Koonfureed ka dib markii doorasho ka dhacday dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta.

Kim ayaa horay u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Interpol, waxaana uu sii hoggaamin doona Muddo dhan labo Sano.

 

Doorashada Ninkaan kasoo jeedda Kuuriyadda Koonfureed waa dharbaaxo ku aaddan dadaalka Ruushka uu ku doonaayay in uu ku guuleysto musharax Ruush ah, oo si adag uga soo horjeeday Maraykanka, Ingiriiska iyo wadamada kale ee yurub.

Doorashada Kim ayaa imanaysa ka dib markii madaxweynihii hore ee Interpol Meng Hongwei uu is casilay ka dib markii lagu xiray dalka Shiinaha bishii Sebtembar iyadoo lagu eedeeyay laaluush iyo musuqmaasuq.

Meng ayaa ku dhuumanaayay dalka Shiinaha ilaa 13 maalmood ka hor inta aan la xirin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Agaasimiha Guud ee Wasaaradda Cadaalada Soomaaliland oo is casilay Iyo Sababta kadanbaysa 
Waxaa Goordhow ku dhawaaqay in uu is casilay Agaasimihii Guud Wasaarada Cadaaladda Soomaaliland Xuseen Maxamed ...