Taliyihii sirdoonka Cidamada milatariga Rusia oo Geeriyooday

36

Jeneraal Igor Korobov Taliyihii sirdoonka Cidamada  milatariga Ruushka ayaa geeriyooday isaga oo 62 jir ah, sida ay shaacisay wasaaradda Difaaca ee dalka Ruushka.

Madaxweynaha ruushka ayaa u Magacaabay xilka sannadkii 2016, waxaana la sheegay in uu Arbacadii u geeriyooday xannuun daran oo wakhti dheer soo hayay.

Sirdoonka milatariga Ruushka oo magaciisa loo soo gaabiyo GRU ayaa lala xiriiriyay weerarkii kiimikada neerfaha waxyeesha loo adeegsaday ee ka dhacay Britain kaas oo lagu bartilmaameedsaday Sergei Skripal oo horay uga tirsanaan jiray sirdoonka Ruushka iyo gabadhiisa.

Jeneraal Igor ayaa la fahamsan yahay in uu dhaleecayn kala kulmay masuuliyiinta Ruushka isagoo loo haystay in hawlgalkaasi uu fashilmay.

Weerarka 4 bishii Maarso lagu qaaday Skripal oo 66 jir ah iyo gabadhiisa Yulia oo 33 jir ah ayaa horseeday in isbitaal lagu dabiibo toddobaadyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
C.Ronaldo Iyo Ciyaartooyda Kale Ee Horyaalka Talyaaniga Oo Wejiyadooda La Marin Doono Midabada Beddelaya Muuqaalkooda Kulamada Toddobaadkan
Horyaalka kubadda cagta Talyaaniga, waxa toddobaadkan ay ciyaartooyadu noqon doonaan kuwa aanay taageereyaashu arki doonin ...