Nin rasaas ku furay dhalinyaro Soomaali ah oo lagu xiray Mareykanka

38

Ciidamada Booliska Minnesota waxa ay xireen Lloyd Edward Johnson, oo da’diisu tahay 55 jir ka dib markii lagu eedeeyay falal ka baxsan Sharciga in uu kula dhaqmay dhalinyaro Soomaali ah oo ku sugnaa goob meherada ah oo ku taall degaanka Eden Prairie.

Xariga ninkaan ayaa yimid ka dib markii Muuqaal looga duubay taleefanka gacanta ay ku baahisay Baraha bulshadda gabadh ka mid aheyd kuwii dhibaatada la kulantay

Johnson ayaa lagu eedeeyay in uu rasaaseeyay koox dhallinyaro ah oo Soomaali ah gudaha Maqaayadda lagu Magacaabo McDonald.

Waaxda Ciidanka boliiska ee degaanka Eden Prairie ayaa sheegtay in Johnson la xiray “sababo macquul ah oo ku aadan in uu qorsheeyay weerar”.

Booliska waxa ay sheegeen in kiiska ninkaan loo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Degmada Hennepin si uu u xukumo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Muwaadin Soomaaliyeed oo ganacsade ah ayaa dalka Konfur Afrika
Koox Burcad Koonfur Afrikaan ah, ayaa waxa ay dalkaasi ku dileen muwaadin Somaliyed, kadib markii ...