Tiradi ugu badnayd ee muhaajirin ay Soomaali ku jirto oo gaaray dalka Spanish ka/spain

11

Inta badan dadka soo galootiga ah ee Spain tagay ilaa November 14-keeda 49,997 qof ayaa ka galay dhinaca badda iyaga oo dooma saaran sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Spain.

Warbixinta wasaarada ayaa muujinaysa in siyaabaha ugu muhiimsan ee badda ay u isticmaalaan muhaajiriinta ay tahay in ay u fududahay ka galida Spain dhanka xeebaha sida Jasiiradda Balearic oo ah Badda Mediterranean iyo jasiiradaha Canary oo ay xigto Atlantic Ocean.

Muhaajiriinta yimid badda waxay sidoo kale gaareen xeebaha Mediterranean ee Ceuta iyo Melilla, oo ah laba magaalo oo madax banaan oo ku yaal waqooyiga Afrika.

Rasmi ahaan wasaaradda arrimaha Gudaha ee dalka Spain ma shaacin tirada rasmiga ah ee Soomaalida gashay dalkaasi, hadana waxa ay sheegtay in dadyowga sanadkan dhamaadka ah ee gaaray Spain ay u badan yihiin kuwa kasoo cararay wadamo ay colaado ka jiraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
DEG DEG: Maxaa Kasoo Kordhay Qaraxii Labaad ee Saaka lala Beegsaday Xarun Sheikh ee ku Taalo Gaalkacayo
  Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo iyo weerar toos ah oo lagu ...