Al-Shabaab Oo Weerar iyo Qaraxyo Ku Qaaday Deegaanka Goof-Gaduud

10

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in Al-Shabaab saakay waaberigii hore weerar qaraxyo ku bilaawday ay ku qaadeen deegaanka Goof-gaduud,halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Weerarka qaraxyada ka dib ayaa waxaa ka bilaawday dagaal culus oo socday mudo ku badan Saacad kaas oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo dagaalamayasha Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday.

Dadka deegaanka Goof-gaduud ayaa waxa ay sheegeen in Al-shabaab saakay dhowr jiho Magaalada ay kasoo galeen,isla markaana ay la wareegeen fariisimihii Ciidamada Dowlada ay ku lahaayeen deegaanka Goofgaduud,

Weerarka ku bilaawday qaraxa ee saakay lagu weeraray deegaanka Goof-gaduud ee Gobolka Baay ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,balse aan la xaiijin Karin inta uu la Egyahay .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Dhaawacyada xuutiyiinta yamen oo maanta laga daad gurayn doono
Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay ay daad ...