Dibad baxyo Balaaran Oo Ka Socda Magaalada Baydhabo & Isgaarsiinta Oo Lajaray

47

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi maalintii saddexaad ay ka socdaan Banaanbaxyo Rabshado wata.

Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa si weyn uga soo horjeeda Xarigii loo geystay Wadaadka Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur,kaasi oo kamid ahaa Musharaxiinta Doorashada dhawaan ka dhaceysa Baydhabo ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in saakay Jawiga Baydhabo uu ka duwan yahay maalmihii hore,waxaana si weyn uga socda Magaalada Banaanbaxyo xoogan.

Sidoo kale waxaa Maanta la fasaxay dhammaan Iskuulada ku yaalla Badhabo,iyadoona Ardayda Waxkabarata Iskuulaadkaasi uu u bilaaban lahaa Maanta imtixaanka teremka.

Wariyeyaal ku sugan Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen in la jaray Isgaarsiintii Magaalada,taas oo yareeysay in wax weyn laga ogaado xaalada Magalada Baydhabo.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa gudaha Magaalada Baydhabo galay Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka howlgalka nabad ilaalinta AMISOM,kuwaasi oo la sheegay in ay dib uga baxeen Magaalada.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ka dhacayay banaanbaxyo rabashada wata,waxaana lagu dilay banaanbaxda Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Musharrax Siciid Deni oo soo bandhigay Buugga Aragtidiisa Siyaasadeed ee Puntland.
Musharrax Siciid Cabdullaahi Deni oo ah Musharrax u taagan Xilka Madaxweynaha dowladda Puntland 8-da Janaayo ...