Gudoomiyaha maxkamada sare oo u digay dadka Shabaab garsoorka u doonta.

46

Baashe Yuusuf Axmed gudoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa maanta Muqdisho ka sheegay in Maxkamada Sare ee dalka aysan u dulqaadan doonin in Shabaab garsoor loo doonto.

Gudoomiye Baashe ayaa ugu digay dadka u doonta Shabaab garsoorka in ay wajahi doonaan cawaaaqibkeeda oo uu sheegay in xabsi ay ku muteysan doonaan, waxa uuna ku nuux nuuxsaday in maxkamada ay soo gola joojin doonaan dadkii ay ku cadaato in Shabaab ay cadaalad ay u doonteyn.

Wuxuu sheegay dadkaasi oo wata Documentiyo been abuur ah inay u tagaan Shabaab si ay u carqaladeeyaan hanaanka Garsoorka dalka, islamarkaana uga soo horjeesteen Cadaaladda Saxda ah inay aadaan dhulka Shabaab ay joogaan.

“Waxaa jira dad aan ognahay oo maxkamaddaha ay dacwado ka yaalaan, oo dacwadahaasi looga guuleystay oo Documentiyada ay sitaan been ay yihiin, dabadeedna si ay cadaaladda u hor istaagaan u taga cadowga dalka, markaa waxaan doonaynaa in aan Shacabka u sheegno in aanan u dulqaadaneyn iyadoo Garsoor Cadaalad ah dalka laga heli karo in cadowga u tagaan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka

Hadalaka Gudoomiyaha ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan magaaladaan Muqdishao lagu maxkamadeeyay dad Shabaab u doontay garsoor.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Magaalada Afgooye oo ay ka dhaceen dilal qorshaysam.
Rag bastoolado ku hubeysan ayaa ku diley magaalooyinka Afgooye iyo Boosaaso askar iyo haweeney rayid ...