Liverpool Oo Ku Soo Biirtay Doonista Hazard

19

Liverpool ayaa lagu soo warramayaa in ay diyaar u tahay in ay soo qaadato walaalka ka yar Eden Hazard ee Thorgan.

Thorgan Hazard ayaa waqtiga katirsan kooxda ka ciyaarta Bundesliga ee Borussia Moenchengladbach, balse xidigan ayay suurta gal tahay in uu waqti dhaw isaga dhaqaaqo kooxdiisa.

Qandaraaskiisa waqtigan ayaa waxaa ka harsan kaliya uddo 18-bilood ah , weeraryahanka Belgium ayaana diyaar u ahayn in uu qalinka ku duugo qanadaraas cusub.

Warsidaha caanka ah ee CalcioMercato ayaa daaha karogay in Roma ay sidoo kale qiimaynayso xaaladda 25-jirkan si ay ugu soo dhaqaajiso caasimadda talyaaniga.

Roma ayaana lagu soo warramayaa in ay doonayso in xidigan ka ciyaara qadka dhexe ee weerarka ay heshiis lagaarto bisha January, isaga oo amaah kusii joogaya kooxda jarmalka tan iyo dhammaadka xagaagan.

siday tahayba , xiisaha ka imaanaya kooxaha Liverpool iyo Atletico Madrid ayaa xaladda kasii dhigi doona mid qasan, kuwaas oo iyaguna doonaya in ay inta iibsadaan Thorgan Hazard ay amaah kusiiyaan kooxdiisa waqtigan ee Borussia Moenchengladbach.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta cod u qaadaya Miisaaniyada sanadka 2019ka
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in oo Axad ah Taariikhduna tahay 30/12/2018, kulan ku ...