Puntland oo deegaanadeeda ka mamnuucday masuuliyiinta DF inta ay socoto doorashada.

25

Wasaarada amniga Puntland ayaa soo saartay go’aano culu culus oo looga hadlayo amaanka guud ee doorashada Puntland.

Warqad kasoo baxday wasaarada amniga iyo DDR-ta Puntland ayaa lagu sheegay in gabi ahaan deegaanada Puntland laga mamnuucay in ay yimaadaan masuuliyiinta dowlada Federaalka Soomaaliya sida wasiirada.saraakiisha ciidamada iyo agaasimayaasha dowlada.

Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay in garoomada diyaaradaha aan laga soo dajin karin lacago cadaan ah (cash) cidii lagu qabtana lagala wareegayo taasoo lagu wargeliyay masuuliyiinta diyaaradaha in ay ka digtoonaadaan.

Waxaa sidoo kale wasaaradu ay sheegtay in wax agab ciidan ah aan laga soo dajin karin garoomada diyaaradaha iyadoo la mamnuucay shirar siyaasadeedka looga hadlayo doorashada.

Hadaba hoos ka akhriso warqada ay soo saartay wasaarada amniga

1 – in cid aan aheyn askari shaqo ku jira aysan hub la dhexmari karin caasimada Puntland mudada doorashadu socoto.

2 – inta doorashada Puntland ay dhacayso waxaa la mamnuucay iney soo galaan shaqalaha DFS Sida Wasiirada, Agaasimayaasha,Saraakiisha Ciidamada iyo howl wadeenada Madaxtoyada Soomaaliya.

3 – inaan la soo galin karin lacago kaash ah dhammaan Garoomada Diyaaradaha iyo baraha kale ee kontoroolada laga soo gal Puntland, lacag kasta oo sharci daro ku soo gashana waa lala wareegayaa

4 – in diyaaradaha imanaya Puntland ay soo gudbiyaan liiska rakaabka ay wadaan ka hor inta aysan ka soo Degin Garoomada Puntland.

5 – si loo sugo amaanka xiliga Doorashada in la baari doono cid kasta oo soo gasha xaduudaha Puntland

6 inaan wax agab Ciidan oo sharci darro ah lala soo gali karin Puntland.

7 inaan lagu qaban karin Garowe shirar siyaasadeed oo maamulka gobolka Nugaal usan ogeyn.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Maxkamda ciidamada qalabka sida oo maanta riday xukun dil toogasho ah
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta oo ay tahay 29-ka ...