Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta cod u qaadaya Miisaaniyada sanadka 2019ka

32

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu waddaa in oo Axad ah Taariikhduna tahay 30/12/2018, kulan ku yeeshaan xaruntooda Golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho.

 Ajendaha kulan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ah u codeynta Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka.

Sidoo kale ajendayaasha Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxaa kamid ah u codeynta Xeerhoosaadka Golaha iyo Akhrinta 3aad Hindi Sharciyeedka Naafada Ciidamada.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa shalay ka dooday Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,iyadoo Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Wararkii ugu danbeeyay dagaal culus oo shalay ka dhacay deegaanka Goofguduud Share Tweet Email Share Share Share
Ugu yaraan 22 dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo maalintii shalay ciidamada ...