XOG CUSUB:- Qabiilkee ayuu kasoo jeedo ruuxii isku Qarxiyay Tiyaatarka+Magaciisa….

88

Muqdisho (Codka Nabadda)   Al Shabaab ayaa muddo todobaad ah kadib shaaciyay magaca ruuxii isku qarxiyay afaafka hore ee tiyaatarka qaranka, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.

Al Shabaab ayaa sidoo kale baahiyay qabiilka uu kasoo jeedo ruuxii isku qarxiyay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen, waxaana magaciisa ay ku sheegeen Jamaal Jeylaani Nuur Cadow, kaasi oo muddo badan kamid ahaa Al Shabaab.

Baraha Al Shabaab ee lagu faafiyo wararkooda ayaa lagu sheegay in Jamaal Jeylaani uu kasoo jeeda Beesha Murusade uuna kasii yahay jufada Habar Ceyne, waxaana da’diisa lagu sheegay 23 sano jir.

22-dii Bishaan sii dhamaaneyso ee December ayuu qaraxaasi ka dhacay Tiyaatarka qaranka, waxaana ku dhintay inka badan 20 ruux oo uu ku jiray wariye Cawil Daahir Salaad iyo shaqaale kale oo ka tirsan TV-Universal.

Jaylaani ayaa 2008 ku biiray Al Shabaab, waxaana la sheegay inuu ka qeyb qaatay dagaalo badan oo Al Shabaab ay ka fuliyeen gobolada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wadaan baaritaano dheeri ah oo la xiriira halka gaariga uu ka yimid iyo sida ay ugu suurogashay inuu yimaado halka uu ku qarxay.

Akhriso  Warar kale

Codka Nabadda (Xafiiska Muqdisho)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
Liiska 66-da Xildhibaan ee Puntland oo la shaacinayo & Xildhibaanadii Hore oo meesha..
Garoowe (Codka Nabadda)  Wararkii ugu dambeeyey ee  magaalada Garoowe oo ah caasimadda dowladda Puntland ayaa ...