DEG DEG: Isimo Garowe ka huleeli doona & Xildhibaanada Baarlamaanka P/land oo laga yaabo in Maanta…

267

Garoowe (Codka Nabadda ) Kadib markii habeenkii xalay ahayd ay ku dhawaaqeen gudida xalinta khilaafaadka Puntland liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa magaalada Garowe ka taagan xiisad culus oo ka dhalatay arintaasi, waxaana isimadda dhaqanka Puntland qaarkood ay ku dhawaaqeen xaalad deg deg ah iyo dagaal ka dhan ah xubno badan oo kamid ah Baarlamaanka Puntland oo ay sheegeen in la musuq maasuqay.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud oo ah isinka ugu da’da weyn deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn oo saqdii dhexe ee habeenkii xalay ahayd shir deg deg ah ku qabtay hoyga uu ka degan yahay gudaha magaalada Garowe ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah iyo in dagaal culus uu ka dhici doono Garowe, hadii la meel mariyo lana dhaariyo xubno badan oo la musuq maasuqay sida uu sheegay Garaadku.

Gudida xalinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyey arimo caalad daro ah in ay ku kaceen, waxaana uu dalbaday in aanan la dhaarin isla markaasna kal fadhiyada Baarlamaanka Puntland aysan ka qayb gelin 5 xubnood oo aan ansax ahayn sida uu sheegay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed.

Islaan Xuseen Xaaji C/salaan oo kamid ah isimadda dhaqanka Puntland ayaa isna hore u sheegay in fara gelin lagu sameeyey soo xulista xildhibaanada Baarlamaanka Puntland, waxaana gudida xalinta iyo xukuumadda Gaas uu ku eedeeyey in ay faraha la galeen arimo iyaga gaar u ahaa ka isimo ahaan.

Qaar kamid ah isimadda dhaqanka ayaan iyaguna la dhacsanayn liiska xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo 17 kamid ah la marin habaabiyey, waxaana socda diyaar garow isimo ay wadaan oo ka dhan ah xukuumadda Gaas iyo in aysan mar dambe soo xulin wax xildhibaan ah.

Hadiiba arintani ay suura gal noqotay ayaa waxaa dhici kara is qab qabsi iyo xaalad jaah wareer ah oo ay gasho Puntland maadaama isimadda dhaqanku ay laf dhabar u yihiin dhismaha dowladda Puntland

 

Akhriso Warar kale

Codka nabadda (Xafiiska Garoowe)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
XOG CUSUB:- Cadeymo muujinaya halka uu ku jiro meydka Jamaal Khaashuqji oo la helay…
Nairobi (Codka Nabadda)  Cadeymo badan oo Turkey uu ururiyay ayaa muujinaya in meydka wariye Jamaal Khaashuqji ...