Gaadiidka gurmadka deg dega ah ee Somaliland oo Qaadaya maydadka 7-qof iyo dhaawaca lagaynayo Burco…

151

Laascaanood (Codka Nabadda) Wararkii ugu dambeeyey ee saaka aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in gaadiidka gurmadka deg degga ah ee Somaliland uu maydad iyo dhaawacyo geeyey magaalada Burco kadib shil ka dhacay deegaanka Beer oo dhaca duleedka Burco.

Alle ha u naxariistee Todobo qof ayaa ku geeriyooday shil gaadhi oo ka dhacay deegaanka Beer ee gobolka togdheer, kadib markii ay isku dhaceen gaadhi Booyad ah iyo gaadhi kale oo Bas ahaa kaas oo siday dad rakaab ah balse ilaa hada lama xaqiijin tirada dadka ku dhaawacmay marka laga soo tago dadka dhintay.

Dadka ku geeriyooday shilkan gaadhi iyo kuwii dhaawacmay ayaa hada waxay yaalaan cisbitaalka guud ee magaalada Burco, waxaana halkaas hada ku sugan maamulka Togdheer iyo maamulka cisbitaalka Burco oo mar dhow la hadli doona saxaafada.

 

AKhriso Warar Kale

 

Codka Nabadda (Xafiiska Laascaanood)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

WordPress Audio Player Plugin
Check Also
DHAGAYSO “Puntland Kuuriyada Waqooyi oo kale maaha” Xildhibaan ku sugan Garowe oo afka furtay….
Garoowe (Codka Nabadda)    Xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh oo kamid ah xildhibaanada gollaha shacabka ...